Farah Garane

Futungo De Belas Luanda Angola

Magaceygu waa Faarax Gaarane Faatule waxaan kudhashey caasimada mugadisho ee dalka somalia sanadii 20 july 1992 xiliyadii ay ka cusboonaayeen dagaaladii sokeeye ee hareeyey dallkii somalia illaa hadana aan daba dhamaad laheyn, isla sanadkaas gudihiisa ayaa waxaa iisuurta gashey in aan isaga soo tago dalkii anigoo usoo kacatimey.

Dalkan ethiopia gaar ahaan gobolka godey ee dowlad deegaanka somalida ee ethiopia maadaama aan udhashey gobolada somali galbeed hadana waxaan kusoo bar baarey isla gobol kamid ah runtii noloshu waa silsilsad hadba meel ayey kuu jiidataa.Gobolka godey waxaa iiga bilaabantey nolol cusub taas oo aan illaa aan ka noqsey mid isagu meel mari kara, Hadii aan wax yar kataabto nolosha dadka kudhaqan gobolkaan godey runtii waxay isugu jirtey sadex dabaqadood1: dabaqada koobaad ayaa waxey ahaa yeen dad ganacsato ah oo hantiilayaal ah kuwaas oo bulshada kudhaqan gobolka ay ka muuqaal duwanyihiin.2: dabaqada labaad waa dad meel dhaxaad ah kuwaas oo ubadan kuwo ganacsiga noocyadiisa kala duwan ku heysta ama eheladooda ay dibadaha ugu maqanyihiin kuwaas oo nolol maal meedkooda hella.3: iyo dabaqada sadexaad oo ah dadka danyarta ah ee aan heysan nolol kufilan kuwaas oo ay ku maareyn karaan nolashooda guud

Hadii aan halkaa ooga gudbo nolasha bulshada halkaa kudhaqan, oo aan kasii amba qaado taariikhdeyda waxaan gobolkaa kunoolaa illaa 17 sanadood halkaa oo aan ku heystey nolol ku dhisan farxad, xiiso gaar ah, IWM

== DHANKA WAXBARASHADA==

waxbarashadeyda waxaa iigu horeysay oo aan bilaabey sandii 1998 waxaana bilaabey dugsi qur'aamka oo ay muslimiinta ama soomaalida markuu ilmahooda gaaro xiliga waxbarashada ugu hor bilaabaan dugsi qur'amka maadaama aynu nahey dad muslimiin ah sanadii 1999 waxaa aan bilaabey waxbarashadeyda dugsiga hoose ee ows ee gobolka godey waxaan waxbarashadii watey waxa aan u gudbeyDugsiga hoose/dhexe ee ugaas mashkooke sanadii 2006 iyadoo aan halkaa kabilaabey waxrashada dugsiga hoose/dhexe, waxaa aan fursad uhellay in aan isla sanadkaas gudihiisa waxbarashada galaaska 8aad ee isla dugsigaas, waxaana foomka kabuuxiyey gaba gabadiina aan ufariistey imtaxaamkii galaaska 8aad iadoo aan galaaska 7aadna aan ufariistey isla sanadkaas gudihiisa,Kadib natiijadii imtixaamka markey timid ayaa waxaan kamid noqdey ardeyda ugudbeysa dugsiga sare ee gode high school waxaana isku diyaariyey waxbarashadeyda dugsiga sare waxaana sandaas 2007 iyo 2008 uga baxey dugsiga sare galaasyada 9aad iyo 10aadxiligii ay isoo gaartey natiijadii sanadkaas oo a

  • Work
    • Workshop
  • Education
    • No