Kamaal Ali

Psychologist in Hargeisa, Somalia

Read my articles

Ma illowdaa furaha gaadhigasga? Ma soo hilmaantaa waxyaabihii aad doonaysay inaad soo gadatid markaad suuqa aad tagto, oo ma ka soo tagtaa waxyaabo aad u baahnayd adigoo sababtoo ah waad hilmaantay?

Magagu adagtahay xusuusashada wixii aad akhriday? Dhakhso Ma ilowdaa magacyada dadka aad kukantaan ama aad isbarataan?

Hadaba haddii aad doonaysid inaad xoojisid xusuusta maskaxda waxaan kuu hayaa casharro aan ku diyaariyay oo aan filayo inay ku anfici doonaan islamarkaanaa kaa saacidi doonaan inaad kor u qaado awoodda xusuustaada iyo feejignaanta maskaxdaada.

Qodobka ugu horreeya waa inaad sameyso jimicsi joogto ah, waayo dhaq dhaqaaqa iyo jimicsigu way xoojiyaan xasuusta, dadka jimicsiga sameeya way garaad badan yihiin dadka aan sameynin marka laga fiiriyo dhanka fahmadda, dhugmada, u fiirsiga ama diirrad saaryaha. Jimicsigu wuxuu wanaajiya qulqul wareegga dhiigga taasoo maskaxda ka saarta sunta ay keeno stress-ka.

Ku dedaal la joogga iyo dhexgalka dadka sababtoo arrintaan waxay ka hortagtaa isku buuwaa, qulubka iyo niyad jabka.